Waftigii DFS oo Qaadacay Qaar ka mid ah qodobadii shirkii Garoowe

Published: March 20, 2020

Gelinkii danbe ee Galabta Waxaa Magaalada Garoowe shir jaraaid ku qabtay Waftigii ka socday Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya qaakiis oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya

Waftiga ayaa soo saaray 4 qodob oo ay kaga aragti dhiibanyeen shirkii wada-tashigga Puntland ee dhawaan kusoo gabagaboobay , waxay goaansadeen soo saarista qodobadaan hoos ku xusan:-

  1. Weftigu wuxuu qaadacay qodobadii shirka ee quseeyey dowladda federaalka iyaga oo sheegey in aysan ka turjumayn doodihii iyo soojedinnadii shirka.

2. Weftigu waxay sheegeen in ay ka xunyihiin ereyo ay ku tilmaameen qadaf oo loo gaystay dowlad-goboleedyada kale.

3.Weftigu waxay soo dhaweeyeen socdaalka madaxweynaha Puntland uu ku tagi doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

4.Waxay bogaadiyeen shacabka Puntland iyo go’aamadii shirka intii qusaysay midnimada iyo horumarka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *