Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Published: November 20, 2022

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Mohammed El-Amine Souef. 

Wasiir ku-xigeenka ayaa ugu hambalyeeyay wakiilka cusub xilka loo magacaabay ee ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga (SRCC) iyo Madaxa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoona u rajeeyay guul muddada uu xafiiska joogo. 

Wasiir Isaaq Mursal, ayaa isagoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga Nabad Ilaalinta. 

Wasiir ku xigeenka iyo wakiilka ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab loo baahan yahay in la sii laba jibaaro, islamarkaana la dardar geliyo sidii guud ahaan dalka looga xorayn lahaa kooxdaas.

Horseed Media