Catriona Laing oo amaantey doorashooyinkii Puntland ka dhacay.

Published: June 10, 2023

Wakiil gaar ah ee xoghayahaa Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa maanta oo Sabti ah booqasho ku tegtey Puntland, waxaana ay kulan la qaadatey Masuuliyiinta Puntland.

War ka soo baxay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Marwo Catriona Laing ay masuuliyiinta Puntland kala hadashey arrimo badan, oo ay ku jiraan doorasho toos ah oo dhowaan dhacday, baahiyaha bini’aadantinimo, dedaallada nabadda- iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada Qaramada Midoobay.

Catriona Laing oo ka hadlaysa doorashooyinkii degmooyinka Puntland ee dhowaan ka dhacay ayey u hambalyeysay dadka deegaanka Puntland , waxayna tiri, “Tani waa horumar weyn oo laga gaaray horumarka dhanka dimuqraadiyadda, waxayna sidoo kale muujineysaa in horumar laga gaari karo qaybaha kale ee Soomaaliya.

Wakiilka cusub ayaa magaalada Muqdisho ka soo degey todobaadkii hore, waxaana ay beddeshey James Swan oo shaqadu ka dhamaatey dhamaadka sanadkii hore.

Horseed media