Walaac laga muujiyay heshiiskii ay wada galeen Kenya iyo Soomaaliya

Published: November 20, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyata

Dhawaan waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyata, kulankaas oo la sheegay in labada madaxweyne ay heshiis wada-gaareen.

Dad u badan xildhibaano ayaa waxaa ay ka falceliyeen kulankaas oo war-saxaafadeed ay dowladda ka soo saartay lagu sheegay in laga heshiiyey arrimo ay kamid yihiin,dhinaca socdaalka soo celinta xiriirka labada dal iyo qodobo kale.

Xildhibaan Sakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulankaas ay ka muujinayaan walaac badan, isla markaana dowladda Soomaaliya aysan sirasmi ah u soo bandhigin waxyaabihii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne.

Waxaa uu sheegay xildhibaanka in dalkaan uu yahay mid la wada leeyahay Shacabka Soomaaliyeedna ay sugayaan in loo iftiimiyo wixii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne.

“ Waxaan maqleynay in kulanka looga hadlay xiriirka labada dal iyo in Viisaha loo fasaxay,waxaas waa wixii horay looga hadli jiray waaye Viisana kama rabno ee dowladda dadka ha u cadeyso wixii rasmi ah oo ay ka wada hadleen labada Madaxweyne ayuu yiri ”

Xildhibaan Zakariya.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay xildhibaan Sakariya Xaaji Maxamuud Cabdi in dowladda Kenya  ay dhibaato ku heyso shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgalla Soomaaliya, isla markaana dhowr jeer ay bur burisay loogana baahnaa in Madaxweynaha uu kala hadlo dhigiisa Kenya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *