Walaac laga muujiyey xaaladda caafimaad ee boqoradda UK Queen Elizabeth II

Published: September 8, 2022
Shares60

Xaaladda boqoradda UK Queen Elizabeth II ayaa maanta sare u kacay cabsida laga qabo kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta ay walaac ka muujiyeen caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Boqoradda ayaa hadda ku jirta fasax ay ugu dabaal degeyso sanad-guuradii 70-aad ee kasoo wareegtay markii ay beddeshay aabaheed Boqor George VI, 1952-kii.

Dhammaan caruurteeda oo kala ah; Prince Charles, oo ah73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir, ayaa tegay halka ay ku sugan tahay oo ah Balmoral Scotland, sida ay sheegtay boqortooyada.

Arbacadii, boqoradda ayaa baajisay kulan ay la qaadan laheyd la-taliyeyaasheeda sare ee siyaasadda kadib markii loo sheegay inay nasato.

Taaladadii waxay qaabishay ra’iisul wasaarihii hore ee UK Boris Johnson oo xilka iska casilayey iyo ra’iisul wasaaraha cusub Liz Truss oo ay si rasmi ah u magacowday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *