War ay wada jir u soo saareen Cabdiweli Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid; Xalka Khilaafka Puntland.

Published: July 11, 2023

Waxaan muddo todobaad ah ku sugneyn magaalada Garoowe, si aanu qayb uga noqono xal u helida arrimaha ka taagan Puntland. Intii aan joognay Puntland waxaan la kulanay Madaxweynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Islaan Bashir Islaan Cabdille, Isimada kale ee ku sugan Garoowe, Mucaaradka ka horjeeda Dawladda, Daladda Ururada Bulshadda Rayidka ah ee PUNSA, qaar ka mid ah ururo siyaasadeedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaan kaloo safar ku tagnay magaaladda Qardho, oo aan kula soo kulanay Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo siyaasiyiin ku suganaa magaalada Qardho.

Muddo-xileedkii xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland waa gabagabo, doorashooyinkii Goloyaasha Deegaanku weli waa qabyo sidoo kale, masoo bixin saddexdii Xisbi ee Dastuuriga ahaa, Xukuumaduna weli kuma guuleysan in ay shacabka la wadaagto qaabka ay ku dhamaaneyso doorashooyinka socda iyo sida loo qabanayo doorashada madaxweynaha ee 2024.    

Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaarn ah in la helo xal-siyaasadeed oo dhamaan dhinacyadu kuwada qanacsan yihiin oo looga gudbo caqabadaha hadda taagan. Haddaba, si doorashooyinka xisbiyada badani u qabsoomaan iyadoo Saamileeyda Siyaasadeed ay wadda ogol yihin waxaa loo baahan yahay sameynta Lifaaq Dhamaystira Nidaamka Doorashooyinka ee geedi socodka dimoqraadiyada ee Puntland.

Mabaadi’dda Guud: 

  • Waa in la dhowraa dowladnimada Puntland, laga wada qayb qaataa ilaalinta xasiloonida, nabadgelyadda iyo wadajirka Puntland.
  • In dhammaan Reer Puntland ka qayb qaataan difaaca Gobolka Sool.
  • In la badbaadiyo Barnaamijka Dimoqraadiyada Puntland. 
  • In laga maarmo xiligaan furitaan iyo isbedel lagu sameeyo Dastuurka Puntland.  
  • In lagu heshiiyo lifaaq shanaad oo dhamaystira barnaamijka dimoqradiyadda iyadoo aan dib loogu noqon nidaamkii beelaha.
  • In doorashada Golaha Wakiilada iyo madaxweynaha ku dhacdo xilligeeda ahaa 8 January 2024, dowladduna la timaado barnaamij qeexan oo lagu fulinayo. 
  • In laga heshiiyo Guddiga Doorashooyinka ee Sannadka 2024 si ay xiligeeda ugu dhacdo. 

Haddaba waxaan soo jeedinaynaa qodobada soo socda oo ku salaysan  ballaarinta ka-qaybgalka arrimaha siyaasadda iyada oo aan cidna laga tegayn.

  1. In sida ugu dhakhsaha badan looga qabto doorashada golaha deegaanka saddexda degmo ee Gobolka Nugaal ee ka harsan degmooyinkii la diiwaangeliyey.   
  2. In sagaalka (9) urur siyaasadeed ee ka diiwaangashan Puntland ay noqonayaa Xisbiyada Siyaasadeed ee Puntland muddo ah shan sano kana qayb galayaan doorashada Golaha Wakiilada ee soo socda.
  3.  In doorashadu u furantahay qof kasta oo si iskiis ah u noqonaya musharax Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen iyo Xubin Baarlamaan (Independent Candidates).
  4.  In doorashada Xildhibaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn looga dambeeyo hogaanka dhaqanka ee goboladaas.

Wabilaahi Tawfiiq.

Magacyada talo soo jeediyayaasha

1. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, MW Hore ee Puntland iyo PM TFG

2. Cumar Abdirashiid Cali Sharmaarke, PM FGS

3. Abdirashid Maxamed Cabdi, Wasiir Hore TFG