Dagaal xoogan ayaa Gaalkacayo ka socda

Published: February 8, 2012

Iska hor`imaad u dhaxeeya ciidamo Ka Tirsan maamulka Puntland iyo Maleeshiyaad qas wadayaaal ah aya waxa uu hadda ka socdaa xaafada Horumar ee magaalada Gaalkaccyo Xarunta gobolka Mudug

Dagaalkaan oo bilawday saaka 10kii subaxnimo ayaa ilaa haatan ka socda xaafada Houmar dhanka agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada gaalkacyo waxaana jirta rasaas wiifto ah oo so gaaraysa xaafadaha ka agdhaw halka dagaalku uu ka socdo haatan

Dagaalkan ayaa lag soo waramayaa in u bilawday ka gadaal markii ay ciidamo ka tirsan kuwaa ilaalada xaduudaha ee puntland ay hawlgal ka wadeen xaafada horumar oo xigta dhanka maamulka Galmudug waxaana wararku ay intaas ku darayaan in meleeshiyaadku ay weerareen gaari tikniko ah oo ay lahaayeen ciidamada Puntland.

Khasaraha dagaalka ayaa ilaa iyo haatan aaan la sheegi karin waxaase wararku ay sheegayaan in ay jirto Dhaawacyo la geeyay isbitaalada ku yaala waqooyiga iyo kuunfurta magaalada gaalkacyo

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka mudug oo ku aadan dagaalkan ka socda xaafada horumar ee magaalada gaalkacyo mana jirto ilaa iyo haatan cid si rasmi ah faah faahin uga bixin karta inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalk labada dhinacba .

Wixii warar ah oo kasoo kordha dagaalka saaka ka qarxay magaalada Gaalkacyoka filo Horseed Media saacadaha soo fool leh.

Horseed Media