WAR-SAXAAFADEED: Aragtida Ururka Mideeye ee ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Puntland

Published: August 4, 2023
Shares24

WARSAXAFADEED:

Waxaan cambaaraynaynaa oo ah sharci darro, masuuliyad darro iyo aragti la’aan ah, falkii gurracnaa ee aanu horay uga dignay ee xukuumadda Puntland iyo Xildhibaanada baarlamaanku ku sheegeen inay Dastuurka qodobo wax uga badaleen. Waxaan sidoo kale shacbaka u cadeynaynaa inay ahayd khudbadii madaxweynaha ee kowda Ogoosto marin habaabin bulsho iyo boor isku qarin.

Waxaan sidoo kale dareen ka muujinaynaa dib u dhaca iyo daahitaanka mudeynta gal-dacwadeedkii aan u gudbinnay maxkamadda dastuuriga ah, muddo labo asbuuc ka badan, weliba iyadoo u jeeda in si bareer ah hal dhinac ugu sii xadgudbayo dastuurkii dalka ee heshiiska lagu ahaa.

Waxaan bulshada u cadeynaynaa in aanan aqbalayn qeybna ka ahayn doorasho hal dhinac, Madaxweynuhu ku tuntey sharciyadeedii iyo dhamaan wixii kala hagi lahaa tartamayaasha.

Waxaanu caddeynaynaa wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha ficilada gurracan ee sharci darada ah ee ku yimaada shacabka iyo dawldnimada Puntland uu masuul ka yahay Madaxweynaha Puntland.

Waxaan beesha caalamka ka codsanaynaa inaysan qeyb ka noqon, dhaqaale ku bixin doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Waxaan ugu baaqaynaa isimada sharafta leh (odoyaasha dhaqanka) ee Puntland inay dhinac iska dhigaan khilaafkooda, Ayna masuuliyad iska saaraan samata bixinta Puntland.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa qaybaha kala duwan ee Bulshada, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo dhamaan daneeyayaasha siyaasadda in si dhakhso ah layskugu yimaado si looga tashado xaaladda cakiran ee siyaasadeed.

faafin Horseed media