War-saxaafadeed: Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey London (Sawiro)

Published: February 21, 2012

WAR SAXAAFADEED
20 February 2012

Wafdi ka socda Dowladda Puntland uuna hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa caawa [20 Feb 2012] ka soo degay Magaalada London halkaasoo loogu balansanyahay inuu ka furmo Shirweyne Caalami ah oo ku saabsan arrimaha Somalia.

Wafdiga Puntland waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdi Farax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cali Askar, Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Md. Cabdulqadir Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland Md. Maxamad Xasan Barre, iyo sarakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

Wafdiga Puntland ayaa waxaa garoonka Heathrow International Airport kusoo dhaweeeyey Mas`uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ingriiska (Foreign and Commonwealth Office – FCO) iyadoo Wafdiga loo galbiyey Qeybta VIP-da ee garoonka Heathrow.

Intaasi ka dib ayaa Wafdiga Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Farole waxay la kula kulmeen gudaha garoonka dayuuradaha xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London halkasoo Madaxda Dowladda Puntland si weyn loogu soo dhaweeeyey.

Shirka Caalamiga ah ee arrimaha Somalia ayaa furmi doona 23 Feb 2012 iyadoo ay ka soo qeybgali doonaan in ka badan 50 Dowladood. Shirkii Dastuurka Somalia (Garowe II) ayaa lagu soo gabogabeeyey xarunta Dowladda Puntland ee Garowe maalintii Jimcaha 17 Feb 2012, iyadoo ay Madaxda Somalia shirkaasi ku saxiixeen Garowe Principles II oo ah heshiis qeexaya habsocodka barnaamijka Dastuurka Federaalka ee Somalia.

Source: Xafiiska Madaxweynaha