WAR TOLOW COLKA JOOJA !

Published: November 23, 2023

WAR TOLOW COLKA JOOJA

Maqaalkaan waxaan si gaaban intii karaankayga ah kaga hadlayaa xaalka cakiran ee ka jira Puntland ka dib markay soo dhowaatay mudadii qori isu dhiibka xukunka Puntland. Waxaa soo dhowaaday xilliga ay ku ekayd mudada madaxweynaha talada haya ee 5 sano ahayd ee uu hogaaminayey shicibka reer Puntland. Sharciyan in uu sii joogo waxay u baahan tahay in dib baarlamaanku u soo doorto.

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Saed Abdullahi Deni wuxuu rabaa in uu sii joogo oo waqti loogu daro sababtoo ah hawl baa qabyo ka ah. Dhinaca kooxda u hanqal taagaysa xukunka waxay leeyihiin maalin ku darsan mayso haddii kale waa la arki doonaa.

Madaxweynuhu wuxuu leeyahay maya waa in mudada la ii kordhiyaa si aan hawlaha qabyada iga ah u dhamaystiro haddii kale waa la arki doonaa. Saddexdaas eray waala arki doonaa ayaa maanta Puntland wixii ku noolaa magan u yihiin.

Da’daalka xal u raadinta saddexdaas eray ma yara. Arrinta waxaa galay Bulshada caalamka oo Somalia dusha ka maamusha ka dib markay ismaamuli waayeen, odayaasha reer Puntland, shicibweyne rag iyo dumar leh oo ka yimid Laascaano, wax garad badan oo gudaha ah. Raja lagama quusto laakiin da’daaladaasi weli si fiican uma mira dhalin, meesha lagu sii durkayaana meel wanaag lagu sheegay maaha. Laakiin dhegaha iyo indhaha labada kooxood markaan wax sheydaan u qurxiyey bay u jeedaan kuna niyadsan yihiin.

Khilaafka ugu weyn arrintaan wuxuu salka ku hayaa wax reer Puntland ugu yeeraan tari kaas oo ku salaysan saddex reer oo wallaalaha oo midba shan sano xukunka hayo. Wallow ay-yan keli ku ahayn xukun raadiska qoladii wareegaan filanayey baa isu arkay inay dulmane yihiin haddii arrinta doorasho lala aado lana dhaafsiiyo tarihii.

Waxaa isweydiin leh Deni hadduu tarasugaha ahaan lahaa ma yeelli lahaa mase dhabadaas ayuu qaadi lahaa? Jawaabtu qofkaad su’aasha weydiiso ayay ku xiran tahay. Si kasta ha ahaatee, waxaa ceeb ah, oo lama aqbalaana in Puntland khatar ugu jirto hab dhaqanka saddexdaas walaalaha ah oo wixii dadku la wadaageen maanta iyagu raba inay isku laayaan haddaan illaahay xal keenin.

Waxaa anniga ila toosan in laga wada shaqeeyo nabada iyo xasiloonida Puntland, Denina ha ka tanaasulo waqti dheeraysiga, miiskana ha soo dhigo xukunka, ilaahay in uu isaga ku ceshana waa suurtagal hadduu calaf ugu jiro.
Nin cadaan ah oo aan is naqaan ayaan weydiiyey haddii Australia Prime Minister-keedu diido xukunka inoo wareejiyo sababtoo ah qorsha uu watay ayaan weli dhamaan, reer Australia ma ogolaan lahaayeen. Wuxuu iigu jawaabay, su’aal uu anniga I weydiiyey oo ahayd are we talking Africa or Australia (ma waxaan ka hadlaynaa Australia mase Africa). Waxaan ku iri Australia. Wuxuu yiri taasi halkan kama suurtagasho, hadal kalena waa ku sii daray laakiin halkan ku soo qori maayo.

Tolow, reer Puntlaanow, nimanka xukunka isku haystow haddii wixii reer Puntland idiin dhiibteen aad idinku ku heshiin weydeen xukunka miiska soo dhiga hana loo dhiibo qof aan ka mid ahayn saddex dhardhaar oo aqoonteeda iyo miisaankeeda leh “ War Tolow Colka Jooja”.

Waxaa qoray
Omar Mohamud Farah (dhollawaa) OAM

Horseed Media