Warar Dheraad ah oo Ka Soo Baxaya Qarax Ka Dhacay Galkacayo

Published: October 16, 2019

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax saaka aroorti hore ka dhacay Waqooyiga magaaladda Galkacayo ee gobolka Mudug .Qaraxan ayaa lags xiray gaari uu lahaa Taliyaha saldhiga bartamaha ee Galkacayo Cabdiqani Jaamac Axmed  (Xabuun).

wararku waxay sheegayaan in Taliyahu uu ogaaday in qarax ku xiran yahay baabuurkiisa ka hor intii uusan galin gudaha gaariga, waxaana laga fogeeyay dadka ku sugnaa halka uu yaalay gaariga oo ahayd guriga Taliyaha

Gaariga ayaa ku qarxay gudaha guriga, mana jirto waxyeelo soo gaartay taliyaha iyo qoyskiisa.

Waxaa hadda socda Baaritaan ay wadaan ciidamadda ammaanka ee gobolka oo lagu ogaanayo dhacdadan. Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxa lagu xiray gaariga taliyaha booliiska saldhiga bartamah Galkacayo.

Magaalada Galkacayo qaybteeda waqooyi,Muddo sanad ah Kama dhicin qaraxyo iyo dilal lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha ciidamada iyo odoyaasha iyo waxgaradka Magaaladda.

HORSEEDMEDIA

Daqiiqado kaddib waxaa qarxay Gaariga, waxaana la sheegay in uusan jirin wax khasaaro ah oo ka  dhashay qaraxan saakay ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Booliiska Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa bilaabay baaritaano lagu ogaanayo cida gaariga qaraxa ku xirtay, waxa uuna taliyaha qaraxa ka  bad baaday sheegay in gaariga qaraxa loogu xiray uu yaalay barxada  gurigiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *