Wararka Soomaaliya iyo Caalamka ugu waaweyn subaxnimada Khamiista

Published: February 2, 2017
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo go’aanka gaareysa muranka Soohdinta badda Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda: Maxkamadda caalamiga ah ayaa maanta oo khamiis ah go’aan ka gaareysey muranka soohdinta badda ee Soomaaliya, go’aanka Maxkamadda ayaa la xiriira dalabka dalka Kenya ee ah in dacwadda la hakaiyo iyo in kale.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya: Waxaa maanta oo khamiis ah Aqalka Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda ka bilaamaya dhegaysiga khudbadaha Musharixiinta Xilka madaxweynaha. Maanta waxaa dhegaysiga ku qoran 8 musharax oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Iran: Maraykanka ayaa u digey dalka Iran kadib markii ay tijaabisey gantaal ay sheegtey in uusan waxba u dhimeyn heshiiskii Nukliyeerka.

USA: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson oo aqalka Shuyuukhda Maraykanku ansixiyeen kadibna xilka loo dhaariyey, Tillerson ayaa muran badan horey u dhaliyey kadib markii la ogaadey dano dhaqaale in ay ga xiran yihiin Ruushka.

EU: Midawga Yurub oo si weyn uga wel-welsan dhul boobka cusub ee Yuhuuddu ku hayaan dhulka Falastiin waxaana labadii todobaad ee u danbeeyey meel mariyeen dhismayaal ka badan 6000 oo guri oo ay ka dhisayaan dhulka ay ka boobeen Falastiiniyiinta, Maraykanka ayaa aamusnaan ku taageeray.

Wararkan dib ayaa loo daabacayaa iyaga oo faah-faahsan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *