Wararkii u Dambeeyay ee Kiisaska Coronavirus ee Somaliya

Published: April 16, 2020

Wasiirka Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa caawa ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee guud ahaan caalamka saameeyay

Wasiiradu waxay kaloo sheegtay in 24-kii saacadood ee dumbaysay 20 xaaladood oo cusub oo Coranvirus ay soo kordheen, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood.

” Waxaa la baaray 186 qof oo looga shakiyay cudurka, waxaa laga helay 80 qof, 70 ka mid ah dadka laga helay cudurka waa rag, 10 waa dumar, dadka laga helay cudurka waxay da’doodu dhaxaysaa 20 jir ilaa 40 jir” Sidaas waxaa tiri wasiirada Fowsiyo

Wasiir Fowsiyo waxay kaloo sheegtay in baaritaan lagu sameeyay 40 qof oo kale oo looga shakiyay cudurka oo la baarayo, kuwaasoo natiijada baaritaankooda ay soo bixin doonto 17 bishan April

https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/699894994108638/

Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80

Kiisaska cusub maanta: 20

Tirada Bogsootay: 2

Tirada Dhimashada: 5

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *