Wararkii u danbeeyey ee qaraxa Hotel Afrikan

Published: January 31, 2021

Gaari si xawli ah ku socda oo lagu soo xirey bom ayaa ku qarxay meel ku dhaw hotel Afrik ee magaalada Muqdisho oo dhacada wadada aada garoonka Diyaaradaha, gaariga ayaa ku qarxay bar kontrool oo hotelku lee yahay.

Kadib qaraxa waxaa rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay yihiin al-Shabaab ayaa Hotelka weerar ku qaadey waxaana iska difaacayey ilaalada Hotelka.

Ciidanka amniga ayaa goobta gaarey waxayna soo badbaadiyeen dad badan oo hotelka ku sugnaa, waxaana goor danbe oo salaadii cishe kadib ah la maqlaayey rasaas weli ka dhacaysa goobta.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadaq Cali ayaa sheegay in dad badan laga soo bad-baadiyey hotelka, balse uu rumeysan yahay inuu khasaare nafeed jiro. Wuxuu intaas ku daray inuu howgal socdo.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *