Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Shirka Dhuusamareeb

Published: February 5, 2021

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu galay marxalad xasaasi ah galay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa labo goor ka baxay shirka Dhuusamareeb kadib markii loosoo bandhigay heshiisyo hoose si uu uga tanaasulo arrinta muranka badan dhalisay ee gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo, sida uu baahiyey tv-ga Jubbaland.

Warar hoose oo ay Horseed Media heshay ayaa sheegaya wakiilada beesha Caalamka ee taageera dowaldda Soomaaliya inay wadaan dadaalo lagu joojinayo kulanka berri ee 6da bisha febraayo uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray baarlamaanka Soomaaliya, kahor inta aan xal buuxa laga gaarin arrimaha la isku khilaafsan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *