Warbaahinta iyo Booliska Puntland Oo Ka Wada Hadlay La-dagaalanka Wararka Been-abuurka ah

Published: November 1, 2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 01 Nofeembar Garowe ku qabtay kulanka wada-hadalka warbaahinta iyo Booliska kaasi oo lagu la-fagurayo badqabka saxafiyiinta, dhowrista madax banaanida warbaahinta iyo la-dagaalanka wararka been-abuurka ah.

Kulankan oo laba maalmood soconaya waxaa ka soo qayb-galay furitaankiisa Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Sareeyo guuto Muumin Cabdi shire, Agaasimaha wasaarada Warfaafinta Puntland Eng. Maxamed Ciise Cismaan, Gudoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane, Masuuliyiinta iyo madaxda warbaahinta, Qareeno iyo xubno bulshada rayidka ka tirsan.

Gudoomiye Caynsane ayaa kula dardaarmay saxafiyiinta inay masuuliyad iska saaraan baahintooda iyagoo dhowraya xeerka anshaxa saxaafada.

Horseed Media