Warbixin Ku Saabsan Xaaladda Caafimaad ee Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland?

Published: August 14, 2022
Axmed madoobe Jubaland

Waxaa muddooyinkii danbe xanuun la ildarnaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan, kaas oo hadda xaaladiisa caafimaad soo hagaageyso, sida ay sheegayso xog Horseed Media soo gaartey.

Muuqaalka Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ee lagu arko meel fagaare ah waxaa u danbeysey 21 Luulyo.

Sida Horseed Media ogaatey Madaxweynaha Jubaland ayaa ku siibtey musqul bishii Luulyo ee la soo dhaafey waxaana jug ka gaartey dhabarka, taas oo wararka qaarkood sheegayaan in ay tahay dilaac lafta dhabarka soo gaarey

Axmed Madoobe ayaa markii hore la dhigey isbitaal ku yaala Nayroobi, markii xaaladiisu soo hagaagtey ayaa loo qaadey dalka Imaaraadka carabta halkaas oo hadda xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso sida ay sheegayso xog Horseed Media soo gaartey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Jubaland oo la xiriira xaaladda Axmed Madoobe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *