Wariye Raage Oomaar oo xaalad caafimaad la kulmay isaga oo war toos u tabinaya

Published: April 27, 2024

Saxafiga Soomaaliyeed Raage Oomaar ahna war soo jeediyaha telefishinka ITV, ayaa la kulmay xaalad caafimaad isaga oo si toosa u tabinaya wararka telefishinka ITV sida uu sheegay telefishinka.

Raage, ayaa tabinayey warka tobanka fiidnimo ee xalay oo Jimce ahayd xilliga London, waxaana la arkayey muuqaalka isagoo u muuqda gariiraya oo ku dhibtoonaya in uu soo saaro ereyadiisa marka uu ka hadlayo qayb maalmaha fasaxa ah intii uu ku guda jiray akhrinta warka.

Daawadeyaasha ayaa si degdeg ah dareenkooda ugu soo bandhigay baraha bulshada iyagoo ayaa walaac ku abuurtay baraha bulshada.

Wariye Raage Oomaar oo hadda 56 sano jir ah , ayaa waxa uu yahay tafatiraha arrimaha caalamiga ee telefishinka ITV News.

Horseed Media