Warqad Furan: Doorashada Puntland

Published: November 2, 2023

Ku: Madaxweyne Deni

Ku: Mucaaradka

Ujeeddo: Doorashada #Puntland

Mudane Madaxweyne: Dorashadii 2021/2022 ee xildhibaanada federaalka ayaad sidaad doonto ka yeeshay ( kamana aadan faa’iidin) taasi waxay keentay in arrimaha doorashada lagaa aamin baxo;

Sidaas darteed suurto-gal maaha in aad doorashada Puntland ee hadda taagan sidaad doonto ka yeesho ee walaalow banooniga dhulka dhig.

Dadka talada wax ku leh ee dhaqan iyo siyaasiyiin-ba leh talo midaysan isla qaata. Anaa iri kuuma shaqayn doonto. Wada-oggol ayaaba dhici karta in aad guul ka hesho ama re-election. Cidi kaama sad roona.

Mucaaradka waxaan leeyahay xabadda iska dhiga oo ogaada qofkii kursi dartiis dhiig u daadiya in aan la dooran doonin, qolo saddixaad oo aan xabad ridin baa la dooran doonaa oo xildhibaanada cusub waxay door bidi doonaan qof maradiisu u caddahay ama clean slate / yacni, bog /safxad cusub.

Waayeel waa inaga oo aan is yeel-yeelayn ee shaydaan yuusan idiin hargo lulin.

Mahadsanidin.

Abdirashid Hashi