Warsaxaafadeedka Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS & Dowlad Goboleedyada

Published: June 7, 2023

Shirka Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo muddo labo cisho ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta lasoo gabagabeeyey.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxa lagu gorfeeyey hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, arrimaha deyn cafinta iyo qeybsiga deeqaha Maaliyadeed ee bangiga adduunka.

Shirka ayaa waxa laga soo saaro War-murtiyeed ay si wadda jir ah u saxiixeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyadda, marka laga yimaado dowladda Puntland oo aan ka qaybgalin shirkaasi.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media