Xildhibaano soo saarey warsaxaafadeed: “Waxaan ka digeynaa duulaanka Xasan Sheekh ee Puntland iyo Jubaland”

Published: November 12, 2024
by: Horseed Staff

Xildhibaanada kumetela Puntland Baarlamaanka federaalka ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay sheegeen in aysan qeyb ka aheyn howlaha fadhiyada baarlamaanka fderaalka kasocda oo ay sheegen in dawladnimadii heshiiska lagu lahaa laga weeciyey.

Sidaan oo kale Xildhibaanada Jubaland ku metala federaalka ayaa oo saareyar saxaafadeed kan lamid ah

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka Xildhibaanada federaalka ee laga soo doorto Puntland:

Xildhibaanada laga soo doortay Dawladda Puntland ee labada Gole ee Barlamaanka
Dawladda Federaalka Soomaaliya
War-Murtiyeeed (Press Release) Taariikh: November 12, 2024

Anaga oo ah Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Dowladda Puntland – kaddib markaan wadatashi la soo galnay bulshada iyo Dawladda Puntland goloyaasheeda kala duwan, markaan aragnay in Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka DFS ku dhisay guddi aan waafaqsanayn dastuurka dalka iyo markaan aragnay Bayaanka aqlabiyada xubnaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabku ay kaga horyimaadeen sharcidarrada lagu hoggaminayo Golaha Baarlamaanka waxaan soo saarnay war-murtiyeedkaan:

Waxaanu aqoonsanahay oo keliya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah heshiiskii bulsho oo shirweynihii August 1, 2012 lagu ansixiyey. Waxaan u aragnaa faragalin kasta oo lagu sameeyey, ama lagu samayndoono oo aan waafaqsanayn hannaanka waxkabedelka uu tilmaamaayo dastuurka cutubkiisa (Chapter) 15, qodobadiisa 132aad ilaa 137aad uu yahay sharcidarro, heshiisna aan lagu ahayn.

Waxaan cadaynaynaa in aanan qayb ka ahayn habka jajuubka ah ee la rabo in si sharcidarro ah lagu marsado golayaasha sharci dejinta federaalka sharciyada guddiga doorashooyinka, axsaabta iyo doorashooyinka, kuwaas oo dhamman baalmarsan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen August 1, 2012.

Waxaan si xoogan u taageersanahay war-murtiyeedka ka soo baxay xildhibaanada labada aqal ee DFS ku metala Dawladda Jubbaland 11/11/2024.

Waxaan si buuxda u garab taaganahay in ay dawladda Jubbaland qabsato doorashooyinkeeda si waafaqsan dastuurka DFS qodobkiisa 120aad iyo dastuurka iyo xeerarka iyaga u degan.

Waxaan ka digaynaa tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah xasilloonida iyo nabadda deegaannada Dawladaha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo ay gacanta kula jirto Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxaanna xasuusinaynaa cid kasta oo laga soo doortay DXDF in ay si buuxda ugu dhaqmaan waajibaadka dastuuriga ah ee uu qeexaayo qodobka 61aad, faqrooyinkiisa, 1,aad 2aad, iyo 3aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya, xil kastaba dalka haka hayeene.

Waxaan ugu baaqaynaa Dawladda Federaalka in aynan mudo kororsi iyo firaaq dastuuri ah aynan galin Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, kuna garab siiso qabsashada doorashooyinkooda dastuuriga ah waqtigooda. Madaxda dawladda Federaalku malaha sharciyad dastuuri ah ay iyagu mudo xileed ku kororsadaan, ama cid kale u kordhiyaan.

Waxaan uga digaynaa Dawladda Federaalka siyaasadaynta mashaariicda dalka oo ay u isticmaalayaan cuno qabataynta bulshada ku nool dawaladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee qaatay go’aano ay ku diidanyihiin sharcidarada iyo baal-marka dastuurka dalka.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiintiisa, hoggaankiisa dhaqanka, culumadiisa diinta iyo dhammaan waxgaradkiisa rag iyo dumar, in ay meel uga soo wada jeestaan sharcidarrada uu ku socdo hoggaanka sare ee dalku.

Gunaanad

Waxaan adkaynaynaa ilaalinta midnimada dalka, ixtiraamka ku dhaqanka Dastuurka, hirgalinta doorashooyinka dalka oo waqtigooda ku dhaca heer federaal iyo DXDF, taas oo ka hortag u ah in uunan dhicin firaaq dastuuri ah iyo fawdo ay ka faa’iidaystaan argagaxisada iyo sixun u noosha dawlad diidka ah.

Waxaa soo saaray war-murtiyeedka sharci dejiyaasha hoos ku qoran:

  1. Sen. Dr. Cabdiraxman Maxamed (Farole)
  2. Sen. Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab)
  3. Sen. Farxaan Cali Xusseen
  4. Sen. Samiiro Maxamuud Xaaji
  5. Sen. Daahir Ayaanle Said
  6. Sen. Cabdisamad Yuusuf (Abwaan)
  7. Xil. Gen. Axmed Cabdi (Taajir)
  8. Xil. Gen. Bashiir Cabdi (America)
  9. Xil. Cabdullahi Xasan Rooble
  10. Xil. Siciid Daahir Ismaaciil
  11. Xil. Cali Xaaji Daahir
  12. Xil. Da’ud Cabdkariim Sheekh
  13. Xil. Cabdirisaaq Xasan Dhookir
  14. Xil. Cabdullahi Faarax Mire
  15. Xil. Maxamed Cabdiraxman (Xayle)
  16. Xil. Cabdiqani Maxamuud (Dhaanto)
  17. Xil. Faysal Axmed Maxamud (Wahaabi)
  18. Xil. Khadro Axmed Maxamed
  19. Xil. Farxiyo Yuusuf Cumar
  20. Xil. Maxamed Bashiir Cali (Baxnaan)
  21. Xil. Saddam Maxamuud Cabdi
  22. Xil. Siciid Cali Muuse
  23. Xil. Maxamed Aadan Diini
  24. Xil. Marwo Cabdi Bashiir Xaaji
  25. Xil. Maxamed Cabdullahi Keyse
  26. Xil. Cali Mahdi Maxamed Cilmi (Qalato)