Warsaxafadeed Shirka Wadatashiga ee Garowe 2

Published: February 17, 2012

Shirka Wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ee ka soconaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa galay maalintiisii saddexaad iyada oo maantana ay soo gaareen madasha shirka wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyaga oo loo sameeyay munaasabada qado ah oo ay isku arkeen madaxda kale ee shirka.

Shirka ayaa waxaa maanta diirada lagu saarayay sidii la isku waafajin lahaa talooyinka ay soo jeediyeen qeybihii saddexda ahaa ee shalay ergooyinka loo qeybiyay, waxaana illaa iyo haatan soconaya wadatashiyada iyo sidii loo qaadan lahaa hal fikrad ama heykal dowladeed taasoo ay noqon doonto sharciga iyo qaanuunka hagi doona dowladda soo socota kadib dhamaadka xilliga kumeel gaarka ah ee dowladda haatan jirta.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa inay ka soo baxaan natiijo wanaagsan halkaasoo ay wakiilada iyo madaxda dhinacyada Soomaaliduna soo saari doonaan Final Communiqu├®, waxayna wada saxiixi doonaan Axdiga Garowe Principles 2.

Xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya