Warshad Biyaha Badda Macaaninaysa oo laga hirgeliyey degmada Xaafuun

Published: July 1, 2024

Waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray warshada biyaha badda macaanisa ee degmada Xaafuun taas oo shaqadeedu socotay mudo ka badan 3 sano. warshadu saacadu waxay soo saaraysaa 18 fuusto oo biyo ah.

Warshadu waxay ku jirtaa Konteenar, waxayna ka jawaabaysaa in biyaha badda la macaaniyo sidoo kalena in aysan waxyeelo u gaysan deeegaanka. waxaa kale oo ku rakiban agab casri ah taas oo qayb ka qaadanaysaa xoojinta iyo kaydinta tabarta biyaha lagu macaaninayo biyaha.

In ka badan 30kun oo qof ayaa ka faa’ideysanaya biyaha badda ee la macaaniyay. Hay’ada Save The Children oo hirgelisay mashruucaan iyadoo kaashanaysa dawlada Puntland waxay sidoo kale samaysay haamo biyaha kaydiya, bulshada waxaa biyaha loogu geeyay goobahooda ganacsi, guryaha iyo xarumaha adeegyada bulshada.

Mashruucaan ayaa soo af-jaraya baahi xagga biyaha ah oo mudo dheer dadka degmada Xaafuun ay qabeen, waxaa horey fuustada biyaha xareeda ah looga siin jirey inta u dhaxaysa 5-7 dollar, haddase waxay heleen biyo bilaash ah oo macaan.

Daahfurka mashruucaan waxaa ka qayb-gallay Wasiir ku xigeenka wasaarada biyaha Puntland Saciid Salaad, maareeyaha wakaalada biyaha Puntland Maxamed Cabdiqaadir, madaxa hay’ada Save The Children Somalia Maxamed Xasan, Madaxa hay’ada Save The Children Puntland Maxamed Cabdiqaadir, Isuduwaha wasaarada biyaha gobolka Bari Cabdirashiid Cabdilaahi, maamulka degmada Xaafuun, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Horseed Media