Wasaarada Amniga oo Beesha Caalamka faahfahin kasiisay go’aankii ciidanka NISA looga saaray Madaarka Muqdisho

Published: January 2, 2022

Wasiirka Amniga ee Federaalka Soomaaliya Abdullahi Mohamed Nur ayaa qoraal uu u diray Beesha Caalamka uga hadlay go’aankiisii in ciidamada dharcadka ah ee NISA laga saaro gudaha Madaarka Muqdisho oo ay ka hawlgeli jireen.

Wasiirka ayaa amar uu shalay soo saaray ku sheegay in ciidamada NISA ee ka hawlgala gudaha Adden Cade International Airport ay halkaasi ka baxaan.

Qoraalka Wasiirka u diray Beesha caalamka ayuu ku sheegay in ciidamadaasi ay khal khal iyo cago jugleyn ku hayeen siyaasiyiinta iyo shacabka kale ee ka dhoofaya Madaarka.

Tilaabadan uu qaaday ayuu Wasiirka ku sheegay inay ay qeyb ka tahay adkeynta amaanka Madaarka iyo shacabka musaafiriinta ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *