Wasaarada Maaliyadda Puntland oo codsatay in dib loo dhigo shirka dayn cafinta ee Baydhabo ka furmi lahaa.

Published: March 4, 2020

Wasaarada Maaliyadda Puntland ayaaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in aysan ka qeyb-geli karin shirka dayn cafinta looga hadlayo ee Baydhabo lagu balan-sanaa in uu ka qabsoomo inta u dhaxaysa 7-11 bishaan Maarso.

Wasaarada Maaliyada Puntland waxay codsatay in muddo bil ah dib loo dhigo shirka, iyada oo u sababaysay in ay ku mashquulsan tahay qabashada ‘Shirka Wadatashiga Puntland ee 15-ka March’ ka furmay Magaalada Garoowe.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale ii sheegey in maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug ay iyana codsadeen in dib loogu dhigo shirka Baydhabo ee arrimaha dayn cafinta, welise majiro war rasmi ah oo iyaga ka soo baxay.

Jubbaland ayaa iyadu gabi ahaanba qaadacday ka qeyb-qaadashada howlaha dayn cafinta dalka, iyada oo u sababaysay in DFS ku hayso colaad iyo xayiraad. Wasaaradaha maaliyadda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa hore shirar ugu yeeshay dalalka dibedda sida Uganda iyo Itoobiya iyo gudaha dalka.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *