Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo warsaxaafadeed ka soo saartey doorashooyinka goloyaasha deegaanka

Published: October 2, 2023
Cabdi faarax Juxaa

Maalintii shalay ee Axadda waxaa muran xooggan uu ka dhacay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Waaciye gobolka Karkaar, taas oo keentey in lagu guuleysan waayo in 27-ka Xildhibaan ee golaha deegaanku lee yahay lagu dhaariyo hal meel, waxaa dhacay laba doorasho oo kala danbeeyey. Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalku ayaa maanta oo isniin ah soo saartey qoraal ay ku iftiimineyso sida loo raacayo dhismaha golaha deegaanka.

Qoraalka wasaaradda ayaa u dhignaa sidan:

Si looga fogaado muran iyo isjiid-jiid siyaaseed, loona ilaaliyo hufnaanta iyo daah-furnaanta hannaanka dhismaha Goleyaasha Deegaanka, loona dhowro himilada dimuqraadiga ah ee codbixiyaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay iftiiminaysaa qodobada hoos ku xusan.

FARIISINTA IYO DHAARINTA GOLEYAASHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA

Fariisinta iyo dhaarinta Golaha Deegaanku waxay ku ansaxaysaa in ay seddex meelood oo labo meelood (3/2) tirada guud ee Golaha Deegaaku dhaartaan Fadhigana joogaan, taas oo ku dhisan darajooyinka Degmooyinka sida, A, B iyo C. kuna cad shaxdaan hoose.

  1. Degmada ah darajada A, oo ka kooban 33 xubnood, waa in ay Golaha Fadhiyaan, dhaarta dastuuriga ahna maraan 22 xubnood ah oo ah seddex meelood oo labo Meelood (3/2) tiradaa Guud ee xubnaha Golaha Deegaanka Degmada.
  2. Degmada ah darajada B, oo ka kooban 27 xubnood, waa in ay Golaha Fadhiyaan, dhaarta dastuuriga ahna maraan 18 xubnood ah oo ah seddex meelood oo labo Meelood (3/2) tiradaa Guud ee xubnaha Golaha Deegaanka Degmada.
  3. Degmada ah darajada C, oo ka kooban 21 xubnood, waa in ay Golaha Fadhiyaan, dhaarta dastuuriga ahna maraan 14 xubnood ah oo ah seddex meelood oo labo Meelood (3/2) tiradaa Guud ee xubnaha Golaha Deegaanka Degmada.

DOORASHADA GUDDOONKA GOLAHA DEEGAANKA.

Guddoonka Golaha Deegaanka waxaa lagu dooranayaa 50+1 tirada guud ee Golaha Deegaanka sida uu qabo qodobka 29-aad ee Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland(LR.7). farqadihiisa 1-aad, 2-aad ama habraaca farqadda 3-aad ee qodobka 29-aad. Haddii laga maarmi waayo.

Si loo xaqiijiyo hannaankaan waa in magaca oo seddexan laga buuxiyaa lagana saxiixaa xubnaha Golaha Deegaanka ee fadhiga Golaha jooga una diyaarsan Dhaarta Dastuuriga ah.

Dhammaad