Wasaaradda Beeraha Federaalka oo beenisay daraasad Laga Soo Saaray dalagyada Somaliya

Published: November 23, 2019

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah uga horyimid daraasad ay soo saartay Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland taasi oo sheegtay in cuduro laga helay Galeyda iyo Masagada Dalkeena.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya aya lagu cadeeyay in dalagyada dalkeena ay yihiin kuwa dabiici ah (organic) isla markaana warbixinta la soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Akhriso Warsaxafadeedka

WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN BAD-QABKA DALAGYADA SOOMAALIYEED

Khubarrada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudanaya masuuliyadda Qaran ee la socodka tayo-dhowrka Cuntada iyo bad-qabka dalagyada kasoo baxa dalkeenna, waxa ay dib u eegid ku sameeyeen cilmi-baarista ay samaysay Jaamacadda Belfast ee Northern Ireland, taas oo ku saabsanaynd in dalagyada dalka ay saameysay Sunta(Funguska) Aflatoksin ee leh raadka caafimaad darro.

Khubarada Soomaaliyeed ee Wasaaradda oo si mug leh u dul istaagay qodobbada iyo falaanqeynta cilmi baaristan waxa ay soo saareen qodobbadan hoos ku xusan:

§ Daraasaddu waxay ka hor imaanaysaa baaritaannadii Hay’adda Cuntada Adduunku ay ku samaysay dalagyada dalka 5tii sano ee u dambeysay.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, iyadoo kaashanaysa Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) waxa ay baaritaanno joogto ah ku sameysaa suntan Aflatoksinka ka hor inta aan dalagyada laga soo iibsan beeralayda, iyadoo tusmo gallay ah oo laga soo qaado meelo kala duwan lagu soo sameeyo baaritaanno heer calami ah.

Tusmooyinka dalagyada oo lago soo qaado kaydka gallayda ee beeralayda Soomaaliyeed waxaa soo uririntooda u xilsaaran khubarada farsamo ee WFP, waxaana loo qaado shaybaarka Mombasa ee Kenya, si loo soo xaqiijiyo in ay ka badqabto sumahaas.

Baaritaannadaas waxaa si joogta ah loo sameeyay sanaddadii 2015, 2016, 2017, 2018 iyo 2019, natiijooyinka ka soo baxayna waxay sheegaysaa in heerka suntan Maykotoksinka ee gallayda Soomaaliya ay ka hooseyso midda khatarta keeni karta, ilaa hada galayda baaritaankaas lagu sameeyay waa 12,500MT.

Natiijadii ka soo baxday baaritaankaas darteed, WFP waxa ay ka iibsatay beeralayda Soomaaliyeed galay gaaraysa 12,500 MT.

 Ciwaanka daraasadda ee ah “Sunta Maykotoksinka Soomaaliya, jiritaankeeda iyo Raadka Caafimaad ee bini-aadanka ay u leedahay” ma aha mid ka tarjumaya dulucda daraasadda laga rabay in ay abbaarto, iyadoo tusmooyinka la soo aruurshay ay ahaayeen ku koobnaa suuqyada Muqdisho kaliya.

  •  Hannaanka aruurinta ee machadku ma ahayn mid daah-furan. Ma cadda shakhsiyaadka aruuriyay tusmooyinka dalagyada, sida loo soo aruurshay, hannaanka loogu diray dibadda, mug ahaan inta ay la ekayd, magacyada suuqyada laga soo kala aruurshay iyo hay’ad dowladeed oo lala kaashaday, arrimahaas oo dhami ma aha marnaba kuwo cad.
  •  Khaladaadka daraasadda ku jira waxaa ugu weyn, in ay sheegen muunadda ay baareen in ay ka koobneyd qamadi iyo galley midabkoodu jaalle yahay, labadaas oo midna aysan ka bixin xilligaan Soomaaliya.Ku dhowaad 50% tusoomiynka Machadku qaaday ee baaritaanka lagu sameeyay waxa ay ku saleysan yihiin dalagyadaas. 52 tusmo oo ka mid ah 140kii ay qaadeen waxa ay ahayd qamadi, halka 21-tusmo ay ahayd galleey jaallo ah, taas oo muujinaysa in lagu saleeyay dalagyo dibada laga soo dhoofiyay ee aysan ahayn dalagyada dalkeenna ka baxa.Haddaba, waxaan u sheegaynaa shacabka Soomaaliyeed in suntan la sheegay in ay kujirto dalagyada Gallayda iyo Masagada dalkeenna ay tahay arrin hareer marsan xaqiiqada, dalagyada dalkeenana ay yihiin kuwo dabiici ah (organic).Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo garwsan khatarta guud ahan suntan aflatoksinka waxa ay sii wadi doontaa dedaalkeeda ku saabsanaa samaynta baaritaanno dheeri ah iyo wadiiqooyin lugu hubinayo suntaas, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo badqabka shacabkeenna Soomaaliyeed.Wasaaradda waxa ay diyaarisay oo dhawaan shaqo bilaabi doona shaybaaro gudaha dalka ah oo lagu hubinayo hannaanka xakamaynta tayada, iyadoo loo diyaariyay khubaro u diyaarsan hubinta badqabka cuntooyinka………………DHAMAAAD………………..
  • .Ministry of Agriculture and Irrigation | Mogadishu, Somalia E-mail: minister@moa.gov.so | Tel: +252(0)611-111044

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *