Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay afar kiis cusub oo Coronaviru.

Published: April 9, 2020

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay afar kiis oo cusub oo Coronavirus kuwaas oo laga helay gudaha wadanka, 2 kiis oo ka mid ah kuwaan waxaa laga helay Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Maraykanka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay inuu bilowday faafitaanka cudurka, afarta qof ee la xaqiijiyay ay ahaayeen dad aan xiriir dibadeed laheyn.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa xaqiijisay qofkii u horeeyay inuu u geeriyooday cudurkan, waxaana shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay guryahooda joogaan sidoo kalena ay qaataan talooyinka caafimaad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *