Wasaaradda Caafimaadka XFS Oo Soo Bandhigtay Cilmi-baaris Ku Saabsan Cudurka HIV AIDS

Published: December 27, 2023

Madasha cilmi-baarisyada oo socon doonto muddo labo cisho ah ayaa maalintii 1-aad lagu soo bandhigey cilmi-baarisyo kala duwan oo laga diyaariyey faafitaanka iyo heerka uu marayo xanuunka HIV AIDs-ka iyo sidoo kale xanuunada Cagaarshowga (Hepatitis B virus HBV) iyo xanuunka Isfiilitada (Syphilis) kuwaasoo ka mida xanuunada ay la daalaa dhacayaan qeybo badan oo ka mid ah bulshadeena.

Dhammaan daraasadaha ayaa tilmaamayey in loo baahan yahay dhimista halista faafitaanka xanuunada laga diyaariyey Cilmi-baarisyada kala duwan ee lagu soo bandhigey munaasabada, waxaana sanadkan daarsadaha lagu soo darey qeybo badan oo aan horey ugu jirin Cilmi-baarisyadii kala duwanaa ee horey loo soo bandhigi jirey, sidoo kale waxaa farta lagu fiiqey in xanuunka HIV AIDs-ka iyo xanuunada kale ee lagu soo bandhigey Cilmibaarista in lala galo dagaal adag si gabi ahaanba loo ciribtiro.

Maalinta berito ah ayaa qorshu yahay in la soo gebagabeeyo guud ahaan munaasabadda soo bandhiggidda natiijooyinka cilmi-baarisyada HIV AIDs-ka iyadoo maalntaa ayaa sidoo kale ajandaheedu qeyb ka yahay in munaasabadda lagu soo bandhigo dooda iyo aragti wadaag daaran yareynta iyo xakameynta xanuunka HIV iyo sidoo kale xanuunada Cagaarshowga iyo Isfiilitada oo qeyb ka ah Cilmi baarista.

Madasha waxaa kasoo qeyb galay wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda FS  Dr. Cli Xaaji Aadam, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, xubno sare oo ka socdey Hey’adaha kale ee Dowladda, Dhaqaatiir, Cilmi-baarayaal, xubno ka socdey Hey’adaha ka howlgala Soomaaliya ee taageera Caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Horseed Media