Wasaaradda Gaadiidka oo sheegtay in howlihii Madaarka Muqdisho aysan hakad gelin!

Published: March 23, 2022

Wasaaraddda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa sheegtay in weerarkii maanta ka dhacday meel u dhaw Garoonka Aadan Cabdulle aysan wax saameen ah ku yeelan howl maalmeedka Garoonka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka ayaa lagu sheegay in falkii maanta ka dhacay meel u dhow garoonka uusan saameyn ku yeelan shaqadii ka socotay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayna sii socon doonto howlaha garoonka sida ay sheegtay wasaaradu.

Ciidamada Ammaanka ayaa toogtay labo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo falal lagu qalqalgelinayo Nabadgelyada ka geystay meelwadada Marina Gate ee laga galo garoonka, kaasi oo ugu dambeyn la soo afjaray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *