Wasaaradda howlaha guud ee Puntland oo lix booyadood ku wareejisay hay’adda PASAWEYN-Sawiro

Published: March 11, 2017

Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ayaa hay`adda biyaha iyo tamarta Puntland ku wareejisay lix booyadood oo ay Puntland ku iibisay deeq lacageed oo dhammeyd boqol iyo konton kun oo doolar oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu tala gashay ka qeyb-galka abaaraha Puntland kajira

Tirada Booyadahan oo dhan lix ayaa lagu soo bandhigay xarunta wasaaradda howlaha guud , gaadiidka iyo guryeynta Puntland ee Bosaso , waxaana ay Puntland ku iibisay boqol iyo konton kun oo doolar oo ay dhawaan dawladda Federaalka Soomaaliya ugu talagashay ka qeyb qaadasha abaarta baahsan ee Puntland ka jirta .

Lixdan booyadood oo diyaarsan ayaa qorshuhu yahay in ay ka qeyb qaataan biyo dhaanka loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed ee la dhibtoonaya abaarta baahsan ee jirta , waxaana si rasmi ah ay wasaaradda howlaha guud ,gaadiidka iyo guryaynta Puntland ugu wareejisay hay`adda biyaha iyo tamarta Puntland u qaabilsan ee PASAWEYN .

Wasiirka Howlaha guud ,gaadiidka iyo guryeynta Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in booyadahan si joogta ah ugu dhaaminayaan shacabka ay abaartu hayso ee ku nol Puntland-Soomaaliya

Gudoomiyaha hay`adda PASSAWEYN Maxamed Salaad oo gudoomay gaadiidka iyo wasiirka wasaaradda ariimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Xildhibaan Liibaan Cabdullaahi Hadleen ayaa soo dhaweeyeen qaabka wanaagsan ee dhaqaalaha ay dawladdu u maaraysay .

Deegaanada Puntland waxaa ka socday olole ballaaran oo loogu gurmanayo dadka ay abaarta saameysay ee ku nool Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *