Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland iyo Jaamacadda Bariga Afrika oo wada saxiixday heshiis wadashaqayn

Published: June 11, 2024

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Kalluumaysiga, Maxamuud Maxamed Gabax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Sharmaarke Yaasiin ayaa maanta booqasho ku tagey Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garoowe.

Wafdiga Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Dowladda Puntland ayaa waxaa Jaamacadda kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Guud ee Jaamacadda Bariga Afrika, Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar, Agaasimaha xiriirka Jaamacadda, Fahad Kulan iyo masuuliyiin kale.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland iyo Jaamacadda Bariga Afrika ayaa kala saxiixday heshiis wadashaqayn ah oo dib loogu hawlgalinayo kulliyada culuumta Badda (Marines Science Facult) ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Guud ee Jaamacadda Bariga Afrika, Dr. Cabdirisaaq Takar ayaa sheegay ardayda iska soo diiwaangelisa kulliyadaas inay heli doonaan deeqo waxbarasho, isla markaana lasoo dhowaynayo, si loosoo saaro aqoonyahan ku takhakhusay cilmigaas.

Dhanka kale, Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Maxamuud Max Gabax ayaa sheegay inay shaqo abuur u samayn doonaan ardayda ka faa’idaysata fursadan waxbarasho, lana doonayo khubaro iyo cilmi-baarayaal ku xeeldheer arrimaha Badda.