Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya oo is-qabqabsi iyo khilaaf xoogan hareeyey !

Published: August 22, 2024

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa isqabqabsi xoogan hareeyey, sadexda xubnood ee kala ah wasiirka, wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha ayaa kala cabanaya, kuna dhex dagaalamaya wasaaradda Qorsheynta Qaranka, oo hoos shaqadeedu u dhacday sannadihii u dambeeyey.

Galinkii hore ee maanta wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Maxamuud Beenebeene ayaa shaqada kaqaaday Agaasimaha Statistics Qaranka Sharmaake Max’ed Faarax, laakiin wasiir kuxigeenka ayaa haddana buriyey caawa oo sharci darro kusifeeyey.

Isku dayga Xil-ka qaadista Agaasimaha Heyadda istaatiijiyada Qaranka ayaa ah mid baal-marsan habraaca uu qeexay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Hamze Abdi Barre, kaas oo faray dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada in aysan Xil-ka qaadis ama Shaqo-Joojin ku sameyn karin Masuuliyiinta kala duwan Sida Agaasimayaasha Hey’adaha Madaxa bannaan iyo Agaasimayaasha Guud iyagoo aanan la-tashi kala sameyn Raisul Wasaaraha sharcigana waafajin.

Horseed Media