Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka oo dib u dhigtay Imtixaankiii shahaadiga ahaa

Published: May 6, 2021

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dib u dhigtay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda.

Hoos ka akhriso qoraalka

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay halkaan kula wadaagaysaa dhammaan bahda Waxbarashada gaar ahaan masuuliyiinta dalladaha, maamulayaasha dugsiyada, ardayda iyo waalidiinta in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare uu ku yimid dib dhac kooban oo ah asbuuc.

Dib u dhacaan oo ka yimid culeysyada soo kordhay maalmihii la soo dhaafay, taas oo saamaysay ardayda, ayay Wasaaraddu garawsatay in lagama maarmaan ay tahay in ardayda la siiyo waqti dheeri ah si ay isugu diyaariyaan imtixaanka.

Haddaba, Wasaaraddu iyada oo ka amba-qaadeysa dib-u-dhacaas ayaa waxay halkaan idinkula wadaageysa in imtixaanka sannad-dugsiyeedkan 2020/21 la qaadi doono 29ka Maajo illaa 2da Juunyo, 2021. Sidaas daraadeed, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan ardayda ka qayb-gelaya imtixaanka in ay waqti siiyaan muraajacada cashirrada si ay ugu guuleeystaan imtixaanka ayna u helaan natiijo ku habboon dedaalkooda.

Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan imtixaanka u fariisanaya Nasiib Wanaagsan iyo Mustaqbal Horumarsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *