Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo shaacisay xiliga loo fariisanayo Imtixaanka Shahaadiga

Published: May 10, 2021

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa shaacisay xiliga loo fariisanayo Imtixaanaadka shahaadiga ee fasalada 8-aad ee dugsi dhexe iyo fasalka 4-aad ee Dugsiga sare.

Wasaaradda ayaa iclaamisay in Imtixaanka Shahaadiga ee Fasaladan uu bilaabanayo Sabtida soo socota taariikhduna ay ku beegan tahay 22 Bishan May ee aynu kuguda jirno isla markaana socon doono muddo afar maalmood ah sida caadiga ah.

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Puntland ayaa horey Wasaaradda Waxbarashada ay dib u dhigtay sababo la xiriira saameynta Xanuunka safmarka ee Covid19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *