Wasiika Maaliyadda Federaalka : Wax Mushahar Ma Heli Doonaan Xubnaha Aqalka Sare

Published: January 1, 2017

Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in xildhibaannada aqalka sare ee barlamaanku aysan wax mishaar ah heli doonin saddex bilood ee ugu horeeya sanadkan 2017da.

wasiirka oo shalay khudbad ka jeediyay kalfdhigii ugu horreeyay ee barlamaanku yeesho,wuxuu tilmaamay in miisaaniyada dowlada federaalka ee la dajiyay sanadkii hore ayan ku jirin mushaaaraadka iyo xuquuqda ay yeellanayaan xubnaha aqalka sare, taasi oo uu sheegay in xukuumadu aysan ku darsan qorshaha.

” sida uu sharcigu qabo xukuumadu waxay ku shaqayn doontaa 2016 miisaaniyadii barlamaanku uu hore u ansixiyay ayay ku shaqayn doontaa saddexda bilood ee ugu horreeya sanadkan cusub, waxaa meesha ka baxaaya aqalka sare ee la magacaabay

Gollaha shacabka iyo xildhibaanadda aqalka sare ayaa shalay dib u celiyay miisaaniyadii dowladda, iyadoo la filayo in odoroska miisaaniyadda 2017ka oo la filayo in barlamaanka la horkeeno saddex bilood ka dib ay ku jiri doontoo mushahar iyo xuquuqaha xildhibaanadda aqalka sare ee barlamaanka.

Gabagbadii, inkastoo uusan wasiirka Maaliyadu ka hadlin, barlamaankuna aysa xusin halka ay ka imaanayso lacagaha iyo kharashaadka ay isticmaalayaan xubnaha aqalka sare, ayaa haddana Xubnahaan waxay u badan siyaasiyiin hore, Ganacsatado iyo qurbojoog lagu tuhmayo inay hanti haystaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *