Wasiir Abshir Cumar Huruuse Oo La Kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada

Published: December 11, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan ku wada yeeshay wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Canada Axmed Xuseen.

Labada wasiir ayaa kawada hadlay kor u qaadidda xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labada dal, taageerada Dibadda ee Canada u qoondaysay dalalka Afrika iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaad iyo isbeddelka Cimillada.

Abshir Cumar Jaamac Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa uga mahadceliyay martigelinta Canada ee jaaliyadda Soomaaliyeed oo qayb weyn ka qaatay isku xirka labada dal.

Horseed Media