Wasiir Bayle ” Cidii musuq lagu helo maxkamad ayaa la tiisan “

Published: October 23, 2019
Dr Abdirahman Beyle

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo khudbad ka jeediyay xarunta Golaha Aqalka Sare ee dalka ayaa sheegay in maxkamad la tiigsan doonaan cid kasta oo ku eedeysa Soomaaliya musuq-maasuq.

”Ilaa Waligeen baa nala-lahaa Soomaaliya laguma kalsoonaan karo, waxba looma dhiibi karayo, saxiixoodu ma shaqeynayo, Tuugta ugu waaweyn baa joogta, 148 wadan ayaa la leeyahay Soomaaliya waxey ka tahay dalka ugu horreeya  xagga musuqmaasuqa, waxaan leenahay bal halka aynu musuqmaasuqa uga caanbaxnay inoo sheega, ”

Wasiir Beyle

”Mar danbe ma aqbali doonno cid aan nala fariisan oo aan eegin nidaamkeena maaliyadeed in ay warbixin iska soo saarto.. Maxkamad ayaa la tiigsan doonnaa wixii hadda ka danbeeya ayuu yiri”

Wasiir Cabdiraxmaan Bayle

Dalalka ay kamid tahay Soomaaliya ayaa lagu tirayaa in ay ka mid tahay wadamada safka hore kaga jira musuqmaasuqa, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mudaddii ay jirtay siweyn ula dagaalantay arintan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *