Wasiir Beene Beene “Soomaaliya waxaa ay bishaan ku biireysa Dalladda Bulshada Bariga Afrika ”

Published: November 18, 2023

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa sheegay in meeel gebogabo ah uu marayo qorshaha ay Soomaaliya ugu biireyso Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Wasiirka Beene Beene oo hadal jeediyay xuska maalinta tirakoobka Afrika ayaa sheegay in safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh uu ku tagay labo maalin ka hor dalka Burundi inuu kulan horudhac la yeeshay guddoomiyaha Dalladda bulshada bariga Afrika ahna madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye.

“Dowladda Soomaaliya  sanadkan oo dhan waxaa ay si xooggan kaga shaqeynaysay sidii aan qeyb uga noqon laheyn bah-wadaagta bulshadda Barriga Afrika, rajadaasna aad iyo aad ayey u weyn tahay, inaan ku guuleysano ayeyna u badan tahay inaan noqono wadanka 8-aad ee ku8 biiira bulshada bariga Afrika” ayuu yiri Wasiirka Beene Beene.

Wasiir Beene Beene ayaa tilmaamay dowladda Soomaaliya dadaal xoogga ay ku bixineyso inay si ballaaran kaga dhex muuqato howlaha ka socda Qaaradda Afrika taasina ay keeneyso in hey’ad walba ay qaadata kaalinteeda, iyada oo lagu xiran yahay waxyaabaha qaarrada ka taagan.

Dalladda Bulshadda bariga Afrika mid kamid ah bah-wadaagta  udub dhexaadka u ah Midowga Afrika, waxaana ku mideysan illaa 7 wadan oo bulshadooda lagu qiyaaso illaa 300 oo milyan oo qof ah. DR Congo ayaana ah xubintii ugu dambeysay ee ururka, Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixisay sidii ay kamid noqon laheyd bulshadda Barriga Afrika.