Published: December 19, 2019

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle aya soo dhaweeyey Warbixintii ay soo saartay Kristalina Georgieva Agaasimaha maamulka IMF kaas oo ku saabsanaa meel marinta  qorshaha  maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayaa sheegay in Hay’adda IMF ay Soomalaiya aad ugala Shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya,islamarkaana Soomaaliya ay heyso wadadii deynta looga cafin lahaa.

Sidoo kale Wasiir Beyle waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay socdaan qorshaa lagu dar dargelinayo in Soomaaliya laga cafiyo deynta,taasna uu hirgalayo marka la gaaro Bisha labaad ee sanadka soo socda ee 2020.

“Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Agaasimaha ug sareeysa IMF Kristalina Georgieva oo ay ku sheegtay in IMF-ta ay heshay Waddadii Soomaaliya Deynta looga Cafinlahaa iyagoo kaashanaya Beesha Caalamka.

HALKAN KA DAAWO

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *