Wasiir Beyle Oo Ka Qaybgalay Shir Looga Hadlayey Dhaqaalaha Dalka

Published: October 28, 2020

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Aaladda fogaan aragga (ZOOM) uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Adduunka oo looga hadlayay halka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya,  (Somalia Economic Update).

“Waxaa aan maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha Bangiga Aduunka oo Ajandihiisu uu ahaa “halka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya” (Somalia Economic Update) oo sanadkaan aan diiradda ku saarnay saameynta dhaqaale ee Coronavirus”.

Wasiir Beyle

Wasiir Beyle ayaa xusay in dib-u-habeynta iyo hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya ay horseeday in Caalamku uu Soomaaliya garab istaago xiligaan adag ee lagu jiro hoos-u-dhaca dhaqaale.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso isbadalka iyo Hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya”.

Wasiir Beyle

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *