Wasiir Cali-xoosh oo xilka u kala wareejiyay guddoomiyaha cusub ee hey’adda qaxootiga iyo guddoomiyihii hore

21 hours ago

Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka oo xilka kala Barakacayaasha iyo guddoomiyihii hore

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta xilka u kala wareejiyey mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha iyo guddoomiyihii hore ee hey’adda marwo Safiya Xasan Maxamed.

Mudane Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyey ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha Cusub mudnae Axmed Xuseen Cilmi dardargelinta shaqada hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha oo muhiimadda gaar ah u leh Qaranka, isaga oo sidoo kale ku ammaanay guddoomiyihii hore marwo Safiya howlihii ay soo qabatay.

Mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa sheegay inuu daradar galin doono u qidmaynta Qaranka iyo sidii loo garab istaagi lahaa dadkeenna tabaalaysan gaar ahaan Barakacyaasha, Qaaxootiga iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay.