Wasiir Cawad Oo Ra’isul Wasaaraha Suudaan Kala hadlay Caqabadaha haysta ardayda Soomaaliyeed

Published: March 1, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Soomaaliya mudane Danjire Ahmed Ciise Cawad oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD iyo Midowga Yurub ayaa maanta la kulmay Ra’isul Wasaaraha wadanka Suudaan Dr. Abdallah Hamduuk,kulankaasi o ka dhacay xafiiska raiiusl wasaaraha dalkaasi,waxaana ku wehliyay Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Amb Maxamed Sheekh Isxaaq.

Wasiirka wuxuu u gudbiyay Ra’isul wasaaraha salaan uu kawadey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.
Wasiirka wuxuu ugu mahadnaqey Dawladda iyo shacabka Suudaan taageeradda joogtada ah oo ay la garabtaaganyihiin dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed .

Sidoo kale Amb Axmed Ciise Cawad wuxuu si gaar ahaan ugu mahadnaqey Ra’isul wasaaraha taageerada ay Suudaan u fidiso Ardeyda Soomaaliyeed ee Suudaan wax kubarata oo ah tiradda ugu badan ardey Soomaaliyeed ee dibadda wax kubarta .

Waxyaabaha la isla soo hadal qaadeen waxaa kamid ahaa sidoo kale kale Caqabadaha haysta ardada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee suudan jooga,iyadoo isla kulankaasi Intii uu socdey  wasiir Cawad iyo Ra’isul wasaaraha ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee walaalaha ah iyo arrimaha Geeska Afrika .

Dhankiisa Ra’isulwasaare Xamduuk wuxuu amaaney xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuuna soo dhaweeyay in la sii xoojiyo iskaashiga dhanwalbo.

Ugu dambeyntii Ra’iIsul wasaaruhu wuxuu Salaan wasiirka ugu sii dhiibey Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya.

Mudane Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya intuu Suudaan joogay wuxuu kaloo xafiiskiisa kula kulmey wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda Suudaan ee Omar Qamarudin,isagoo dhanka kale furey xarunta cusub ee Safaaradda Soomaaliya ay ka Degtay magaalada khartoum.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *