Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Qin Jian.
Intii ay ku guda jireen kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal si gaar ah siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha Waaxda Eeshiya Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim kulan ka labadan ayaa kusoo dhamaaday is afgarad .
Horseed Media