Wasiir Dhabancad oo Kulan Sagootin ah la Qaatay Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Published: March 5, 2024

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kulan Saagootin ah la qaatay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta dhexe ee Wasaradda waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaradda, Xisaabiyaha Guud iyo Madaxda Kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan
Dhabancad ayaa Madaxda iyo shaqaalaha uga mahad celiyey mudadii uu xilka hayey iyo sida ay ula shaqeeyeen, waxana uu Wasiirku cafis waydiistay shaqaalaha iyo madaxdaba intii shaqada lagu guda jiaray hadii tabasho jirto.

Wasiir Dhabancad ayaa xusay in loo bahaan yahay in shaqada halkaa laga sii wado, lana garab istaago Wasiirka Cusub ee Wasaradda Maaliyadda ee iman doona Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalihii ka hadlay Kulankaasi oo uu ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa Wasiir ugu mahad celiyey mudadii u xafiiska joogay shaqooyinka u ka qabtay, sido kale sheegay in guul badan dhanka shaqada laga gaaray mudadasi.

Horseed Media