Wasiir Fiqi oo cambaareeyay qulqulka hubka sharci-darrada ah ee ka imanaya Itoobiya

Published: October 6, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, ayaa cambaareeyay soo gelinta hub sharci-darro ah oo ka yimid Itoobiya, isagoo ku tilmaamay khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay tallaabooyin adag qaadeyso si looga hortago arrimahan oo loo ilaaliyo madax bannaanida Soomaaliya, wuxuna ugu baaqay Itoobiya in ay ixtiraamto heshiisyada caalamiga ah oo ay joojiso ficillada khalkhalka gelin kara gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga kaalinta ay ka qaadanayso fududeynta wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo caddeeyay in wada-hadalladu aysan guul dareysan, inkastoo hoggaanka Addis Ababa ay ka caga jiidayaan ka qaybgal buuxa.

Wasiirku wuxuu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay wada hadalka, iyadoo Turkigu uu door muhiim ah ka qaadanayo dhexdhexaadinta nabadda gobolka.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ah in la hagaajiyo adeegyada fiisaha ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee u socdaala Hindiya, gaar ahaan kuwa waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo ganacsiga u aada halkaas, isagoo soo jeediyay in Qunsuliyad laga furo Muqdisho.

DanJire Fiqi wuxuu ka qaybgalay shirar heer sare ah inta lagu guda jiray Kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen kulanka Wasiirrada Dhaqdhaqaaqa aan Isbahaysiga laheyn (NAM), halkaas oo uu mar kale ku xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee Falastiin iyo ka hadalka ficillada Itoobiya.