Wasiir Jubaland ah oo lagu qarxiyay duleedka Kismaayo

Published: July 22, 2024

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhow kolonyo uu la socday Wasiirka Arrimaha Diinta maamulka Jubaland Abuu Yuusuf qarax miino lagula eegtay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in wasiir Abuu Yuusuf uu soo gaaray dhaawac, kadib markii ay miinadu haleeshay mid kamid ah kolonyadii uu la socday, waxaana loo soo qaaday gudaha magaalada Kismaayo oo haatan lagula tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

Wasiirka ayaa xilliga la qarxinayay la socday ciidamo gurmad ah oo kusii jeeday deegaanka Buulo-xaaji oo ay saaka weerar kusoo qaadeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa kadib ay howlgal ka sameeyeen ciidamada ammaanka, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Xaaladda gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana deegaano badan oo ka tirsan gobolladaas ku dagaalamay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana la jabiyay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday oo laga dilay 100 xubnood, sida ay sheegtay dowladda dhexe.

In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku sii daray “Ciidammadda ayaa hawlgalkan ku furtay hub aad u farabadan oo ay wateen Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale”.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano