Wasiir Juxaa: “Boosaaso Gole Deegaan Kama Dhismin Doorashona Kama Dhicin”

Published: October 3, 2023

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Puntland Cabdi Siciid Faarax ayaa sheegay in doorashada guddomiyaha degmada Boosaaso ay ka horeyso in goluhu dhismo la fariisyo ayna dhaartaan.

Boosaaso doorasho kama dhicin, gole deegaana uma dhismin, waxaana ay khilaafsan tahay waxaan ku shaqeyn jirney 16 Xildhibaan iyo 16 Xildhibaan ayaa loo kala qaybsamey, hal Xildhiaabana waa diidey in uu dhaarton ayuu yiri mar uu la hadley Idaacadda Radio Daljir.

Wasiir Juxaa waxa uu yiri Boosaaso waxay leedahay 33 Xildhibaan, waa muhim in 2/3 ay fariistaan sidaan ku shawqeyneyn, kadib doorashadu timaadaa marka la dhaariyo ugu yaraan 22 Xildhibaan.

Mar la weydiiyey in Wasiiru dowluhiisu joogey mid ka mid ah labada goobood ee doorashadu ka dhacdey ayuu sheegay, wasiiru dowluhu sida uu ka badin waayey ayuu sameeyey laakiin habraaca waa khilaafsan tahay, waxaa la rabey in golaha la dhiso oo 22 Xildhibaan la fariisiyo taasna ma dhicin, waana wax hareer marsan 16 Xildhibaan iyo 16 Xildhiban iyo hal xildhibaan oo diidey dhaarta.

Maanta waxaa ka dhacay Boosaaso laba doorasho oo midkastaa ay ka qaybqaadatey 16 Xildhibaan.

Horseed media