Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye Oo Ku Geeriyootay Dalka Jabuuti

Published: December 20, 2023
Shares50

Allaha u naxariistee Waxaa goor dhow magaalada Jabuuti ku geeriyootay Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiirada oo qeyb ka ahayd Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ee dalka jabuuti ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsaneysay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin qeyb ka ah wafdiga.

Marxuumadda ayaa waxay muddo ka badan 20 sano kamid aheyd Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wasaaraddo kala duwan ka soo noqotay wasiir.

Innaa lillaahi wa innaa ilaahi Raajicuun.

Horseed Media