Wasiir Khadiijo oo diiday in Garoonka Muqdisho uu noqdo goob dadka lagu Karantiilo.

Published: April 4, 2020

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor-timid qorshe la doonayo in garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ay noqoto goob lagu karantiilo dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus

Wasiir Khadiijo oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in aysan ka yeelli doonin in Garoonka Cayaaraha Muqdisho noqoto goob loo cayimay xarun karantiil.

“Ka yeeli meyno, mas’uuliyadaana na fareysa, ogaada dowlad iyo shacab, Guddiga heerka sare ee ka hortagga Corona (COVID-19) aad iyo aad bey idinka qaldan tahay ee dib isugu laabta, Garoonka ciyaaraha Muqdisho ma ahan goob loo cayimay xarun karantiilka dowladda, waana xadgudub shaqooyinka ee hala joojiyo” ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Garoonka Muqdisho Stadium boqolaal ciidanka Booliska ay ilaaliyaan, isla markaana dhalinyaro ay ka wadaan howlo dayactir iyo dib u dhis, ajaaniib loo geeyay howlaha garoonka inay maalin kasta kormeeraan.

“Ma noqon karto goob karantiil, horayna nalooma weydiinin”ayay tiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa yimid kadib markii Agaasimaha Wakaaladda dhismaha Qaranka, Mas’uuliyiin ka socday Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir ay shalay Shaaciyeen in goobtaasi ay noqon doonta goobaha karantiilka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *